Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe & Isbitaal Martini

Friday April 01, 2022 - 09:27:06
0 Comments
641
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kaalmo baniaadanimo gaarsiisay xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo isbitaalka Martiine qeybta ay daganyihiin Curyaamiinta ku soo naafoowday Dagaalkii 77.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuca taakuleynta iyo af-furinta dadka tabaaleysan iyo kuwa baahiya gaarka qaba oo hay’adu ay ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato farxadooda inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaana kamid ah deeqda la gaarsiiyay xabisga dhexe 5 Neef oo geela, raashiin ka kooban 100 Loor Bariis, 100 Loor Sokor, 100 Loor Bur, 500 KartoonTimir ah,1000 Liter oo saliid, 5 kartoon oo cabitaan ah, 5 Loor Caleen shaah ah, 1280 macawiis , 1280 funaanad iyo dharkii ay ku ciidi lahaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nur Cusmaan oo faahfaahin kabixinayay deeqdan ayaa sheegay in ay qeyb katahay deeqo kala duwan oo ay ugu tala galeen dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, waxaana uu hoosta kaxariiqay in deeqda maanta ay bixinayaan ay ugu talagaleen maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Iyo taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa kaga mahad celiyay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso taakuleynta iyo af-furinta maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo labada munaasabadood goobjoog ka ahaa, kana mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation Kaalinta lama ilaabaanka ah oo ay ka qaadanayso Taakuleenta dadka jilicsan.

Farxaan Cali Axmed,  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay goobta, isagoo ku amaanay Hey’adda inay sameysay arrin aad loogu farxo, maadaama ay sanad walba bish Ramadaan u sameyso dadka danyarta ah kaalmo.

Dhinaca kale Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo gaareysa $5,000 iyo Timir waxa ay gudoonsiisay ciidamada naafada ee dagan qeyb kamid ah isbitaalka Martiini , kuwaasi oo ladaalaa dhacaya xaalado kaladuwan oo dhinaca nolosha ah.

Guddoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo kahadlay munaasabdii wareejinta deeqda ayaa faafahin kabixiyay kaalmada ay gaarsiiyeen ciidamada naafada xoogga ee degan qeyb ka mid ah Isbitaalka Martiini , isagoo tilmaamay in kaalmadooda aysan ku ekaan doonin intaasi.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sanad waliba marlka lagaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay fulisaa Mashaariic isugu jirta taakulayn iyo af-furin ay ugu talagashay dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba , waxaana hay’adan sidoo kale ay ka qeybqaadataa u gurmashada dadka saamaynta ay kuyeeshaan abaaraha iyo daadadka iyo sidoo kale xanuunada faafa.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi