Hormuud Salaam Foundation oo daahfurtey Mashruuca Taakuleynta iyo Af-furinta ee Bisha Ramadaan

Friday April 01, 2022 - 09:09:25
0 Comments
797
Xafiiska Wararka
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman, ayaa sheegey in barnaamijkaan Taakuleynta iyo Af-furinta uu yahay barnaamij ay sanad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan ay qabato Hormuud Salaam Foundation , laguna caawiyo dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegey in qeybo ka mid ah naafada, agoonta, haweenka danyarta, maxaabiista Xabsiga dhexe, naafada Ciidanka Xooga Dalka, Dadka Dhimirka ka xanuunsan ee ku xareeyson xarumaha caafimaadka, Dadka la xanuunsan Juudaanka, Qaxootiga Yemeniyiinta iyo in badan oo ka mid ah dadka nugul ay gaarsiin doonaan taakuleynta iyo gargaarka.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegey HSF ay mar walbaa garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, mar kastaa iyo marxalad kastaa oo duruuf adag la soo gudboonaato, iyadoo haatan wadanka ay ka jirto abaar ku yeelatay Saameyn aad iyo aad u ballaaran nolosha in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed,  

waxaana uu sheegey in dhaqaale ay ganacsatada u uruurinayeen dadkaa ay abaaraha ku dhufteen ay Hormuud Telecom noqotey shirkada kaliya ee ilaa iyo hadda wada bixisay lacagtii la qeybsaday,  marka loo fiiriyo dhammaan shirkadaha kale, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay u istaagaan sidii loo caawin lahaa dadkeenaa ay abaaraha sameeyeen, iyo kuwa u baahan in la caawiyo, maadaama ay fooda nagu soo heeyso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mashruuca af-furinta Bisha Ramadaan ee HSF ayaa ku bixi doonta lacag dhan $300,000 ( sadex boqol oo kun dollar ),iyadoo dibadda laga soo iibiyay 8 konteeynar oo timir ah oo loo qeybin doono dadka Soomaaliyeed ee u baahan caawinta.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi