Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Seerbiya qaabilidda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan soohdinta Ukraine

Friday March 04, 2022 - 13:07:59
0 Comments
1755
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay maanta oo ah Khamiis dhiggiisa Seerbiya, Mudane Nikola Selaković.
Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Ukraine, lana hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Seerbiya, Mudane Nikola Selaković, oo ballanqaaday soo dhowaynta ardayda Soomaaliyeed si waxbarashadooda uga sii wataan dalka Seerbiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa xusay inay isku fahmeen isaga iyo dhiggiisa Seerbiya horumarinta xiriirka laba geesoodka ee muddada dheer jiray iyo in si dhow looga wada shaqeeyo howlaha dano wadaagga, isaga oo uga mahadceliyay Mudane Nikola Selaković taageeradiisa iyo iskaashigiisa.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi