Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada Galmudug oo seddex buug ku wareejiyay Machadka Diblomaasiyadda

Wednesday February 23, 2022 - 23:28:04
0 Comments
2001
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Waxaa maanta (23ka Febraayo, 2022) lagu qabtay Xarunta Machadka Diblomaasiyadda & Tababarrada munaasabad ahayd soo bandhigid iyo wareejin seddex buug oo uu qoray Mudane Saacid Aadan Jaamac, oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashada Heer Galmudug (SEIT), isla markaasna ah Diblomaasi iyo Agaasime hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga.
Buugta Machadka lagu wareejiyey waxay kala yihiin:

 1. Warbixinta Waxqabadkii Wasaaradda 2018 - 2019 

 2. Daraasad ku saabsan Horumarinta Shaqaalaha & Maaliyadda Wasaaradda. 

 3. Daraasad ku saabsan Dayactirta, Qalabaynta & Qurxinta Dhismaha Wasaaradda. 

Seddexdan buug ayaa waxaa lagu wareejiyey Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda & Tabarrada, Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen, waxaana la dhigay Maktabadda Machadka si ay uga faa'iidaystaan dadka Soomaaliyeed. 

Xafladda wareejinta buugta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Mudane Amb. Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Ag. Machadka Diblomaasiyadda & Tababarrada, Ag. Waaxda Carabta, Ag. Waaxda Aasiya & Ustareeliya, Ag. Maamulka & Maaliyadda iyo marti sharaf kale.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi