Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo tababbar hordhaca diblomaasiyadda ku saabsan uga furay Muqdisho 42 shaqaale dowladeed

Thursday February 17, 2022 - 00:34:48
0 Comments
2752
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), ayaa ka furay maanta oo Arbaco ah Magaalada Muqdisho tababbar ku saabsan hordhaca diblomaasiyadda iyo hab maamuuska oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaideysanayaan 42 ka qeybgale oo ka kala socda Wasaaradda iyo qaar ka mid ah hey'adaha dowladda.
Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Cabdiwali Xasan Xuseen (Fadilatahu) ayaa caddeeyay in koorsada ay socon doonto inta u dhexeysa 16 Febraayo illaa iyo 20 Maarso, laguna qaadan doono casharo kala duwan oo diblomaasiyadda iyo arrimaha la xiriira.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leeyihiin koorasyada noocaan oo kale ah, kuwaas oo ka qayb qaadanaya xoojinta aqoonta karti-dhisidda shakhsiyaadka iyo iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, isagoo ku ammaanay kaalinta uu machadku ka qaato dar-dargelinta howlahiisa iyo barnaamijyadiisa kala duwan.

Dhankiisa, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, waxa uu sheegay in Machadka Diblomaasiyadda uu bixiyo barnaamij karti-dhis oo isku dhafan oo ballaaran, kaas oo isugu jira tababbaro iyo kormeer xirfadeed oo gacan ka geysta sidii looga guul keeni lahaa yoolalka la hiigsanayo si loo gaaro goobaha lagu go'aamiyo go’aannada caalamiga ah.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi