Danjire Yoonis Xaashi oo hormuud u ah olollaha nadaafadda Safaaradda Soomaaliya ee Biljimka

Sunday February 13, 2022 - 16:22:37
0 Comments
976
Xafiiska Wararka
Brussels (so.diplomat.so) - Olollaha is-xilqaan ayaa ka socda dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Beljimka si looga nadiifiyo qashinka iyo siigada, loogana jaro geedaha si hagaagsan oo nidaam leh.
Olollahan oo uu daaha ka rogay Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa bilowday shalay oo Sabti ahayd, kuna beegnayd 12 Febraayo, iyadoo ay ka qeybqaadanayeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ololahan is-xilqaan ayaa ka marag kacay howsha dardarka leh ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada kala duwan ee dalka Biljimka uga qeyb-qaadanayaan si heerka ugu sarreeya ee bilicda ah loo gaarsiiyo dhismaha safaaradda iyo hareerihiisa.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi