Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shahaadooyin dhammaysashada koorso aasaasi oo Afka Shiinaha ah guddoonsiiyay 20 ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda

Friday February 11, 2022 - 00:29:00
0 Comments
1126
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah Muqdisho ku guddoonsiiyay shahaadooyin dhammaysashada koorso aasaasi ah oo Afka Shiinaha 20 ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo ku qaatay casharada habka fogaan aragga.
Koorsada Afka Shiinaha oo ay soo qaban-qaabisay Kuliyadda Shiinaha ee Caalamiga ee Beijing (BICC) ayaa socday intii u dhexeysay 9-29 November, 2021 , waxaa intii lagu guda-jiray lagu qaatay casharro ku qotomay hoggaaminta, diblomaasiyadda iyo sidoo kale taariikhda xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xafladda shahaaddo guddoonsiinta shaqaalaha oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Cabdiwali Xasan Xuseen (Fadilatahu).

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi