Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq oo xoojiyay olollihiisa uu ku raadsanayo xubin Golaha Shacabka

Tuesday January 25, 2022 - 18:08:29
0 Comments
1164
Xafiiska Wararka
Gaalkacyo (so.diplomat.so) - Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa olole doorasho xooggan ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si uu ugu soo baxo xubinnimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdirisaaq, oo sumcad wanaagsan ku dhex leh qeybaha siyaasadda iyo bulshada ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ballan-qaaday inuu markale si daacadnimo oo nafhurnimo leh ugu adeegi doono dadka iyo dalka isagoo ah Xildhibaan, maadaama uu horay ugu shaqeeyay si guul leh xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Maxamed Cabdirisaaq oo ku jira liiska musharixiinta u taagan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira kulamada uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, si uu u xaqiijiyo in uu si weyn ugu guuleysto kursiga xildhibaannimo.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi