Jubbaland oo sheegtay inay ka qeybgalayso shirka wadatashiga

Sunday December 26, 2021 - 20:16:42
0 Comments
3939
Xafiiska Wararka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)
Kismaayo (so.diplomat.so) - Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa qoraal ay maanta ka soo saartay Madaxtooyadeed ku sheegtay in ay diyaar u tahay dardargelinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladdan adag ee dalku ku jiro.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dadaallada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si sarraysa uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Jubbaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo rajo weyn laga qabo in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi