Ra'iisul Wasaare Rooble oo isku kala beddelay Wasiirrada Cadaaladda iyo Gaashaandhigga

Sunday December 26, 2021 - 19:57:02
0 Comments
1148
Xafiiska Wararka
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wareegto uu soo saaray Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda, halka Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka cusub ee Cadaaladda 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku beddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ku kala wareegaan.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi