Beydhabo (so.diplomat.so) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa caddeeyay inaanu ka qeybgali doonin shirka uu iclaamiyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Go’aankan ayay ku sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed inuu ka dhashay kadib markii lagu xadgudbay madax bannaanida Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federaal oo shalay la kala qeybiyay waa sida ay hadalka u dhigeene.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
Faallo ka bixi