Koonfur galbeed Soomaaliya oo ku gacansayrtay ka qeybgalka shirka wadatashiga ee uu ku baaqay Ra'iisul Wasaaraha

Sunday December 26, 2021 - 19:37:44
0 Comments
1141
Xafiiska Wararka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)
Beydhabo (so.diplomat.so) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa caddeeyay inaanu ka qeybgali doonin shirka uu iclaamiyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Go’aankan ayay ku sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed inuu ka dhashay kadib markii lagu xadgudbay madax bannaanida Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federaal oo shalay la kala qeybiyay waa sida ay hadalka u dhigeene.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay inay  diyaar u tahay ka qeybgalka shirka wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi