Dowlad Goboleedka Puntland oo ku dhawaaqday inay ka qeybgalayso shirka wadatashiga ee uu ku baaqay Ra'iisul wasaaraha

Sunday December 26, 2021 - 19:20:13
0 Comments
3098
Xafiiska Wararka
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,
Garoowe (so.diplomat.so) - Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal ay faafisay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay caddeynayso in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September, 2020.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi