Hay'adaha Samafalka oo soo saaray qorshaha ka-jawaabista baahiyaha bini'aadamnimo ee Soomaaliya

Monday December 20, 2021 - 17:59:43
0 Comments
512
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Qaramada Midoobay iyo iskaashatada gargaarka ee Soomaaliya ayaa soo saaray Qorshaha 2022 ee Waxqabadka Bani'aadantinimo ee Soomaaliya,xilli Soomaaliya ay weysay saddex xilli roobaad oo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.
Qorshaha 2022 ee wax-kaqabadka arimaha bini'aadanmimada waxa uu doonayaa ku dhawaad $1.5 bilyan oo doolar si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu liita Soomaaliya. Si loo daboolo baahiyaha degdega ah oo ay abaaruhu sababeen, Qaramada Midoobay waxa ay $17 milyan oo doolar ka soo saaraysaa Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (Central Emergency Response Fund- CERF), taasoo ka dhigaysa maalgelinta CERF ee Soomaaliya 2021 ilaa $52 milyan oo doolar. Deeqdani waxay dheeraad ku tahay ku dhowaad $60 milyan oo doolar oo ay deeq-bixiyeyaashu siiyeen Sanduuqa Bani'aadamnimada ee Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund-SHF).

"Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa khatar, mana loo baahno waqti in la lumiyo," ayuu yiri Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths. "Si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed, loogana hortago masiibo bini’aadantinimo, waa inaan hadda sii deynaa maalgelinta si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh. Waxaan maanta ka soo saarayaa $17 milyan oo doolar Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (CERF) si loogu suurtageliyo hay'adaha inay kor u qaadaan hawlgallada muhiimka ah. Waxaan ku xisaabtamayaa deeq-bixiyeyaasha kale inay ku daydaan tallaabadan oo ay si deeqsinimo leh u taageeraan Sanduuqa ama keydka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya.” 

Dadka ku nool Soomaaliya waxay soo mareen tobanaan sano oo colaado ah, saameynta isbeddelka cimilada oo soo noqnoqday, iyo cudurro dillaacay, oo ay ku jiraan saamaynta masiibada COVID-19. Saameynta ayaxa oo daba dheeraaday ayaa sidoo kale saameeyay dalaggii iyo maciishada. Ugu yaraan toddobo ka mid ah 10kii qof ee Soomaaliyeed ayaa ku nool heer ka hooseeya diilinta faqriga. 

Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini'aadantinimo oo kala duwan sanadka 2022, taasoo muujineysa kororka boqolkiiba 30 baahida hal sano gudaheeda. 

Qorshaha 2022 ee wax-kaqabadka arimaha bini'aadanmimo ayaa mudnaan siin doona 5 milyan oo ka mid ah dadka aadka u liita, oo ay ku jiraan 1 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo hoos u dhigaysa baahsanaanta gaajada, nafaqo-xumida jirta, khataraha caafimaadka bulshada iyo cudurrada dillaaca, xadgudubka iyo rabsahdaha. Hay’adaha samafalaka waxay joogteyn doonaan kaalmada 5.5 milyan oo qof oo u baahan gargaar bini'aadannimo, oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan barokacayaal ahayn, halka 1.6 milyan ay ka mid yihiin dadka gudaha waddanka ku barakacdsan iyo dadka naafada ah ee ku nool 74 degmo. 

Colaadaha iyo ammaan darrada ayaa sannadkan gudihiisa 777,000 oo qof ku qasbay inay ka barakacaan guryahooda. Guud ahaan, in ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha

Soomaaliya – tiradan oo ka mid ah tirooyinka ugu sarreeya adduunka. Inta badan dadkan gudaha ku barokacay waxay ku nool yihiin nolol aan sugnayn waxayna u baahan yihiin gargaar si ay u noolaadaan. Haweenka iyo gabdhaha, oo qiyaastii kala bar ah, waxay wajahaan khatar la xiriira tacaddi dhanka galmada ah iyo xad-gudub. 

"Abaarta hadda jirta waxay baabi'isay maciishada iyo noolal maalmeed qoysas badan oo liita oo noloshooda ay khatar ku jirto," ayay tiri Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Federaalka, Khadiija Diiriye. "Waxaa jirta khatar sare oo haddii aan gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah la helin, carruurta, haweenka iyo ragga ay bilaabaan inay macluul ugu dhintaan Soomaaliya." 

Soomaaliya – oo safka hore kaga jirta isbeddelka cimilada – waa dalka ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen Geeska Afrika. Qiyaastii 3.2 milyan oo qof oo ku nool 66 ka mid ah 74-ta degmo ee dalka ayaa wajahaya saameyntae saddex xilli-roobaad oo is xigay kana hooseeyay celceliska roobabka la heli jiray, oo ay ku jiraan 169,000 oo qof oo guryahooda uga tagay si ay u raadsadaan biyo, cunto iyo daaq. 

Saadaal goordhaw soo badday ayaa tilmaamaysa in ilaa 1.4 milyan oo Soomaali ah ay abaaruhu barokicin doonaan lixda bilood ee soo socota. Geerida xoolaha oo baahsan ayaa durba la soo

sheegayaa, waxaana si xawli ah kor ugu kacaya qiimaha cuntada, biyaha iyo shidaalka. Wax-soo-saarka dalagga bisha Jannaayo ayaa la saadaalinayaa inuu 50-70 boqolkiiba ka hooseeyn doono celceliska tobankii sano ee lasoo dhaafay. 

Hay’adaha Gargaarka, bulshooyinka maxaliga ah iyo maamulada dawlada ayaa sare u qaaday wax ka qabashada biy la’aan baahsan, cunto la'aanta iyo baahiyaha kale ee sida degdegga ah ay dadka Soomaaliyeed ugu baahanyihiin. Si dadaallada gargaarku u noqdaan kuwa mira dhala korna loogu qaado howlaha gurmadka, hay’adaha samafalku waxay u baahan yihiin dhaqaale dheeri ah iyo xorriyad ay sahayda gargaarku ku gaari karto dadka u baahan.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi