Dhuxulaynta dhirta Soomaaliya waxa ay halis ku tahay deegaanka iyo cimillada

Friday December 17, 2021 - 13:38:42
0 Comments
2343
Xafiiska Wararka
Qormadani waa hinqaasta: Mohamed Abubakar Ahmed.
Dulucda [warbixin / daraasad / maqaal / daabacaad…] kama tarjumayso ra’yiga rasmiga ah ee Shabakadda Wararka Diplomat.
Aragtida lagu muujiyey qormadani waa mid u gaar ah qoraaga.

- Ka ganacsiga sharci darada ee dhuxasha ayaa hails wayn ku ah ammaanka, deegaanka, dhirta, daaqa iyo noolayaasha duur-joogta,  taas oo keeni karta isbadal ku yimaada cimillada & nolosha bulshada goobaha laga xaalufiyo dhirta ee dalka Soomaaliya.

Soomaaliya Waxaa laga jaray dhir aad u badan oo ku taalley keymaha & dhulka cagaaran , iyadoo dhirtaasi la gubay, lagana dhigay dhuxul loo kala dhoofiyay wadamo ku yaalla gacanka carbeed.

Ganacsigaasi sharci darada ah wuxuu horseed u noqday isbadal cimillo iyo abaaro soo noq-noqday oo dadka , duunyada iyo deegaangaba dhibaato ba'an ku haya.

Soomaaliya oo uu Allah ugu deeqay nicmooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhirta, ayaa looga faaideysan sidii la doonayay, taasi badalkeeda waa la baabi'iyay , lana gubay , iyadoo laga dhigayay dhuxul dhireed.

Gobollo iyo deegaanno kala duwan ayaa illaa iyo hadda xaalufku ka socdaa , waxaa la arkayaa in dad ku dhiiranayaan gubidda geedaha ka baxa howdka deegaanka Weydow oo u dhow KM13 ee duleedka koonfureed ee Caaasimadda Muqdisho.

Nacfiga iyo faa'idooyinka dhirtu u leedahay bani'aadamka, xoolaha , noolayaasha kala duwan iyo dhulka intaba lama soo koobi karo.

Soomaalidu waa dad ab-ka-ab xoollo dhaqato ah , daaqsin raac ah, dhirtuna waxa ay faa'ido ballaaran u leedahay xoolaha hilibkooda iyo caanahooda uu bani'aadamku quuto.

Xooluhu faa'ido ma lahan haddii aanay dhul carshina daaqin, caleemo habatacayna aanay gu' iyo deyr goosan, jiilaal baraahsaday haddii aanay caws helin, ceelna u aroorin.

Dhirta waxa ay leedahay nacfi kala duwan , tusaale waa la harsadaa, miraheedaa la quutaa, laamaheeda qoyan ayay xooluhu feentaan.

Dhir goynta iyo gubiddeeda ma ahan wax laga aamusi karo, waa in dadkeenu u istaagaan badbaadinta dhirta iyo deegaanka .

Dhirta oo la jaro waxaa laga dhaxlaa abaar ba'an. Sida aan wada ognahay gobollada dalka  qaar ka mid ah oo dhirta laga jaro waxaa mar walba soo noq-noqda abaaraha daran ee ku dhufta oo geeduhu qalalaan, xooluhuna u naf baxaan biyo li'i, dadkuna la gaajoodaan haraad iyo cunno yari.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi