Macnaha Jaceyl iyo guushiisa

Tuesday December 14, 2021 - 02:49:55
0 Comments
9014
Xafiiska Wararka
Sawirkani waxaa ku wada jira Ali Abdi Ali Hoshow, saaxiibadiisa kala ah Ali Osman Ali , Shakeel Ahmad iyo lamaanayaal Hindi ah, waxa ay Magaalada New Delhi uga qeybgalayeen xaflad dhalasho bishii November 3, 2019.
Sawirkani waxaa ku wada jira Ali Abdi Ali Hoshow, saaxiibadiisa kala ah Ali Osman Ali , Shakeel Ahmad iyo lamaanayaal Hindi ah, waxa ay Magaalada New Delhi uga qeybgalayeen xaflad dhalasho bishii November 3, 2019.
Qormadani waa hinqaasta: Ali Abdi Ali Hoshow.
Email: alihoshow@gmail.com

Jaceylku waa :

- Inaad la noolaatid qofka aad jeceshahay.
- Waa dhawaaqa wadnaha.
- Waa rajo aan dhammaad lahayn.
- Waa naxariis saafi ah oo farxad gelisa qalbiga murugaysan.
- Waa dareen qarsoon oo carabku tilmaami karin.
- Waa dareen aad aaminaysid in dunida oo idil ay ku jirto labadaada gacmood.

Sirta jaceylka guuleystay waa 15 qodob oo kala ah:
 
1- Xushmad is dhaafsi , in midkiina kan kale uu u muujiyo xushmad marka aad wada joogtaan ama aad dadka hortooda ku bidhaaminaysaan heerka wanaagsan ee tixgelinta aad isku haysaan.
2- Sheeko qosol iyo baashaal leh wadaagga , tani waxa ay muujinaysaa caafimaad-qabka xiriirkiina iyo wadajirkiina.
3- Is-taageera . si kasta oo uu xaalku yahay waa inaad garab is-taag iyo taageero u muujisaa lamaanahaagu si uu uga baxo culayska heysta , una guuleysto.
4- Qofkiina, qofka kale ha siiyo waqti ku filan oo uu ku fikiro si khilaafyada soo banbaxa loo xaliyo si wadajir ah.
5- Kalsooni is-dhaafsi , waxa ay saldhig u tahay xiriirka qoto-dheeraada. Haddii aanay kalsooni ka dhex jirin labada dhinac, xiriirkaasi waxa uu ku burburaa si dhakhsiya leh.
6- Isku-tanaasula. Dadka qaarkii waxa ay tanaasulku u arkaan summad tabardari iyo guul darro, hayeeshee haddii aanu tanaasul jirin ma sii jireen xiriirka labada dhinac, haddii midkiin uu had iyo jeer tanaasul badanyahay, dhanka kalena ka muuqan dabacsanaan, taasi waxa ay baabi'inaysaa jaceylkii ay abuureen.
7- Ka fogaada khilaaf iyo caro xilliga gogol-wadaagga. Heer kasta oo uu gaarsiisanyahay khilaafka idinka dhexeeya waa inaad ku xalisaan maalin gudaheeda, kahor waqtiga hurdada, kana ilaalisaan in is-maandhiifkiinu uga baxo bannaanka aqalkiina oo uu gaaro deriskiina iyo qoysaska aad ka soo wada jeedaan.
8- Is-cafin iyo is-illowsiin waa sirta ugu muhiimsan ee jaceylka xiriir ku qoto dheeraado, waa tallaabo ku timaada run isku-sheegidda labada lamaane si ay u garwaaqsadaan waxa dhibaya.
9- Ha qod-qodin wax tegay, dibna ha u furin arrimo hore u dhacay , waa inaan marnaba loo dhaadhicin boog la dhayay iyo dhaawac bogsaday.
10- Midkiin kan kale ha u war-qurxiyo. Si kasta oo lamaanahaagu ku kalsooni qabo inaad jeceshahay , una aragtid qof qurxoon, waxaa lagama maarmaan ah in aad kula hadashid ereyo ammaan oo haasaawe leh oo sii dardargelinaya kalsoonida nafeed ee uu qabo.
11- Ka fogaada in midkiin kan kale ceebeeyo. Jaceylka dhabta ah waa inaad qarisaa sirta iyo ceebaha u gaarka ah lamaanahaaga si aad u ilaalisid dareenkiisa maskaxeed.
12-  Iskugu dulqaata duruufaha iyo xaaladaha dhaqaale xumo ee soo banbaxa xilliyada qaar, ugana gudba si isku-tashi wax-wadaagid leh.
13- Midkiin kan kale ha dhiirri-geliyo. Si kasta oo uu qofku u yahay mid guuleystay oo xoog iyo firfircoon badan leh, waxa uu waqti weliba u baahanyahay dhiirri-gelin iyo is-garabtaag si uu guulo xiriir ah u gaaro.
14- Si daacad ah uga hadla dhibaatooyinka idin dhex-yaala. Hufnaanta iyo runta oo la abbaaro waa sirta ugu muhiimsan ee xiriir caafimaa-qaba oo waara, haddii aan si cad loo wada hadlin, weligiin awood uma heleysaan gaarista xalka. 
15- Ha illoobin waxyaabaha yaryar ee kediska ah xitaa ha noqoto erey jaceyl oo kooban oo aad ku qortay muraayad ama wax kale oo aad uga tagtay sariirta dhinaceeda, waxyaabahaasi kediska ah waxa ay si ilbiriqsiyo ah ku soo celinayaan awooddii jaceylka oo ay dib u soo noolaynayaan.

Faallo ka bixi