Qaahira (so.diplomat.so) - Dibqalooc ama hangaralle ayaa dalka Masar ku dilay saddex qof , halka kuwa kalana uu dhaawacyo gaarsiiyay.
Dhacdadn ayaa ka dhacday magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, ka dib markii dabeylo xoogan ay ku dhufteen wadooyinka iyo guryaha dalkaasi.
Illaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacmay, ka dib markii dibqaloocyadan ay qaniineen, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda caafimaadka.
Roobka sita dabeylaha xooggan iyo onkodka ee ka da’ay agagaarka webiga Nile Jimcihii ayaa ahaa mid dhibaatooyiin gaystay.
Dibqaloocyada iyo masaska ayaa marka ay da’aan roobabka mahiigaanka ah waxaa soo qaada biyaha iyo dabeylaha xooggan markaasi oo waddooyiinka lagu arko islamarkaana ay dadka waxyeeleeyaan.
Waxaa xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka u dhow buuraha iyo saxaraha la geeyay daawooyiin dheeraad ah oo ah kuwa ka hortaga sunta, sida uu Sarkaal caafimaad u sheegay Wakaaladda Wararka ee Al-Ahram.
Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan oo ay ka fogaadaan meelaha geedaha badan leh.
Dalka Masar waxa ku nool laba nooc oo ah dibqaloocyada leh seenta buuran. Sunta dibqalooca madow ee leh seenta buuran ayaa waxay qofka bani’aadamka ku dili karaa wax ka yar saacad.
Calaamadaha lagu arko qofka uu qaniino ayaa waxaa ka mid ah neefsashada oo qofka ku adkaata, murqaha oo gariira iyo madaxa oo sameeya dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn.
Dawada ka hortagta sunta ayaa loo isticmaalaa qofka ka hor inta aanay astaamuha sunta aysan soo bixin, laakiin sidoo kale ay shaqayn kartaa marka sunta ay qofka saaqdo.
Faallo ka bixi