Muqdisho (so.diplomat.so) - Xaflad si heer sarre loo soo agaasimey oo ay ka qeybgaleen ganacsiyada Soomaaliyeed, wasiirro, xildhibaanno, sanataro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda Rungta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa shirkadda Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyey abaalmarinno kala duwan.
Guddoomiyaha Hey’adda abaal marinta ganacsiyada Soomaaliyeed (Somali Business Award) Ridwaan Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in shirkadaha guuleystay ku muteysteen codbixin ku dhacday hab electronic ah oo ay ka qeyb qaateen dad ku dhow 500,000 oo Soomaali ah kuwaas oo ku kala nool dunida dacalladeeda.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in shirkadda Hormuud ay sanadka 2021 ku guuleysatay shirkadda ugu fiican xagga Isgaarsiinta dalka.
Dhanka kale waxaa isla munaasabaddaan shirkadda Hormuud lagu guddoonsiiyey Billadda Shirkadda ugu fiican gargaarka & ka qeybqaadashada horumarinta bulshada.
Hey’adda ayaa sheegtay in Shirkadda ay abaalgudkaan ku muteysatay kaalintii ay ka geysatay latacaalidda Caabuqa Covid-19 oo isugu jiray lacago kaash ah, haamaha oksajiinta, dhismo Isbitaallo & xarumo kale oo caafimaad, taasoo wax weyn ka tartay ka hortagga cudurkaas, iyadoo shirkadda Hormuud ay markii ugu horreysay dalka ka hirgelisay warshad Oxygen-ta soo saarta, si xal loogu helo baahida Oxygen la‘aanta ee ka jirtay dalka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo billad sharaftan guddoonsiiyey shirkadda Hormuud ayaa sharaxay qaar ka mid waxyaabihii ay ku muteysatay billadaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shirkadaha la abaalmariyey ku bogaadiyey adeegyada hufan oo ay bulshada u hayaan.
Faallo ka bixi