Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga

Tuesday November 02, 2021 - 00:47:02
0 Comments
2600
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge , waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.
Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi