Kismaayo (so.diplomat.so) – iyadoo deegaannada jubbalanad ay ku dhufteen abaaro saameeyey dadka iyo duunyada isla markaana wayadii u danbeeyey mamulka Jubbaland uu dirayay qaylo-dhaan la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa abaarahaasi ayaa wax baaqaasi ka jawaab bixisay Hey'ada Hormuud Salaam Foundation, iyadoona ay u sameysay gurmad biyo dhaamin ah.
Deegannada biyo dhaaminta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah Fuuma, Kooyama, Dalsan, Qarsa, Suubaan Salaan, Abdi biroole Iyo deegaano ka tirsan gobalka Jubbada hoose.
Gargaarka Biyo dhaaminta ah waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiir ku xigeenno, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Jubbaland, Maamulka Degmada Kismaayo iyo Madaxda shirkada Hormuud Telecom oo iyadu mashruucan fulineeysa islamarkaana maal-galisay.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Madaxa Xiriirka Arrimaha Bulshada ee Hormuud, Axmed Maxamed Xaashi, oo sheegay in ay ka jawaabeen qeylo-dhaan uga timid dadka abaaruhu saameeyeen.
Maamulaha Shirkadda Hormuud ee xarunta Kismaayo Xuseen Xasan Qorane ayaa ka warbixiyay mashruuca gurmadka biyo dhaaminta, isagoo sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan kaalmooyinka aadannimo ee culayska looga qaadayo dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay sii ka wadi doonaan howlaha gargaarka iyo biyo dhaaminta gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo Galgaduud.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Maamul goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo daah-furay mashruuca ayaa u mahadceliyey Hormuud Salaam Foundation oo ka jawaabtay baaqooda ka maamul ahaan, isagoo farta ku fiiqay in gargaaridda dadku ay tahay tallaabo kheyr leh.
Qaar ka mid ah dadka la gaarsiyey gurmadka biyo dhaaminta ayaa mahadnaq u jeediyay Madaxda iyo Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bankiga Salaam oo wada unkay hey’adda Hormuud Salaam Foundation.
Faallo ka bixi