Muxaadarooyinka todobaadlaha ee Machadka Diblomaasiyadda waxaa ka faaideystay 120 shaqaale : Fadiilatuhu

Wednesday October 20, 2021 - 23:37:57
0 Comments
1269
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdiwali Xasan Xuseen "Fadiilatuhu" ayaa sheegay in Machadku uu agaasimay illaa iyo afar muxaadaro todobaadle ah tan iyo 29 September, oo ay ka faaideysteen 120 ka mid ah shaqaalaha cusub ee Wasaaradda si sare loogu qaado heerka awooddooda iyo kartidooda xirfadeed si ay u horumariyaan waxqabadka shaqo.
Machadka Diblomaasiyadda ayaa waxa uu qabtaa todobaad weliba maalinta Arbacada muxaadaro , iyadoo muxaadaradii ugu horreysay la qabtay 29 September oo cinwaankeedu ahaa "Dabeecadda Shaqada Diblomaasiyadda" , kadibna 6 October oo la qabtay muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Hoggaaminta dhaqanka Soomaalida" , 13 October oo la qabtay muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Istiraatiijiyadda Warbaahinta iyo Diblomaasiyadda"  iyo maanta oo ku beegan 20 October oo la qabtay muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Khatarta iyo dhibaatooyinka kutiri-kuteenka (Propaganda)".

Mudane Abdiwali Fadiilatuhu wuxuu iftiimiyay in Machadka Diblomaasiyadda oo u howlgali doona hab akadeemiya uu soo bandhigi doono mustaqbalka dhow barnaamijyo waxbarasho oo ku suntan xagga luqadaha, siyaasadda iyo amniga oo ku saabsan diblomaasiyadda Soomaaliya iyo xiriirka caalamiga, oo ay ku jirto shahaado diblooma oo daraasadaha sare ah iyo shahaadada labaad ee heerka jaamacadda ee loo yaqaan masterka.

Waxa uu intaasi ku daray in muxaadarooyinka todobaadlaha ee Machadka ay bixin doonaan dad heer sare ah, diblomaasiyiin, siyaasad dejiyayaal, cilmi baarayaal iyo macalimiinta jaamacadaha. Aqoonyahannada muxaadarooyinka jeedin doona waxay iftiimin doonaan arrimaha ugu culus caalamka ee diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi