HSF oo $100,000 ugu deeqday abaaraha ka jira Goboladda J/hoose iyo Gedo

Tuesday October 19, 2021 - 10:04:19
0 Comments
1120
Xafiiska Wararka
Hormuud Salaam Foundation
Hormuud Salaam Foundation
Muqdisho (so.diplomat.so) - Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $100,000, taasoo gurmad biyo dhaamin ah loogu sameyn doono, dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaraha ka jira, gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.
Deeqdaas oo maanta looga dhawaaqay shir jaraaid, oo uu gudoomiyaha HSF, Cabdullaahi Nuur Cusman ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegey, in ay ka jirto abaar daran oo galaafatay xoolihii gobolladaas, gaar ahaan waxa uu xusay in hadda culeyska ugu daran uu ka jiro  tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee hoos yimaada degmooyinka Dhoobley,  Afmadow, iyo deegaannada la teedsan xuduudda Kenya.

Abaarta ayaa waxa ay sababtay in xoolo dhaqatadii ay xoolihii ka dhammaadaan, haatanna ay bilowdey inay saameeyso dadkii, iyadoo la soo sheegayo in nin uu is- daldalay kadib markii ay ka dhammaadeen xoolihii uu lahaa, wax uu siiyana uu waayey qoyskiisii.

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa sheegey in tuulooyinka iyo deegaannada ay saameeysey abaarta ee hoos yimaada Dhoobley ay ka mid yihiin: DIIF, DHUYAC-GAROON, SHABAAX, YARAA, KOR U XIRAAY, GOODEYAA, BARKADLE, TAABTA, HOOSINGOW, HAAWINAA.

Dhanka Afmadow, tuulooyinka iyo degaannada ay saameeysey waxaa iyagana ka mid ah: JIIRO, HABAJOO, XAYO, ARBAA QARSO, CAGLIBAAX, MAGAR, NEGASROOBO, DHAANIJ, JAMAR, QOOQAANI.

Guddoomiyaha HSF ayaa xusay in dadka ay aadka u saameeysey abaarta ay yihiin dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo ay ka gurreen warihii ay biyaha ka cabi jireen, kadib markii ay dhacday roob la’aan, waxaana uu sheegey in abaarta saameynteeda ay si xowli ah haatan u socoto, una baahan tahay gurmad xoog leh, waxaana uuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen dadkaas ay saameeysey abaarta daran ee ka jirta goboladaasi.

Guddoomiyaha HSF, Cabdullahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegey in deeqdaan $100,000, oo ay maanta ku dhawaaqeen ay tahay wajigii koowaad ee gurmadka ay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ugu gurmanayaan, waxaana uu sheegey in HSF,  marwalba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, xaalad kastaa oo lasoo gudboonaatana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hoo intaba, waxaana uu Allah ka baryey inuu abaartaas ka dulqaado dadkeena Soomaaliyeed oo roob iyo raxmad ilaaheey na siiyo.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi