Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa kaga guddoomay maanta oo Axad ah, Caasimadda Muqdisho, warqadaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane El-Khidir Daloum Mahmoud Ahmed.
Mudane Balal Cusmaan ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u fududeyn doonto dhammaan tas-hiilaadka lagama maarmaanka u ah si uu ugu guuleysto howsha cusub ee uu u joogo Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hadda jira iyo isku-duwidda wadajirka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Barnaamijka oo u adeegaya danaha guud iyo himilooyinka si loo dardargeliyo kaalinta WFP ee taageeridda horumarka Soomaaliya.
Dhankiisa, Mudane El-Khidir Daloum ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in uu yimaado Soomaaliya isagoo ah wakiilka WFP, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida uu barnaamijku u doonayo in uu kordhiyo waxqabadkiisa , ballaariyana howlihiisa uu ka fulinayo dhammaan gobollada Soomaaliya iyo sida uu shakhsi ahaan u doonayo in uu gargaarka bani’aadamnimo u gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan si looga hortago, loogana guuleysto caqabadaha iyo dhibaatooyinka.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali, iyo Agaasime kuxigeenka Waaxda Habmaamuuska, Marwo Hinda Culusow.
Faallo ka bixi