Muqdisho (so.diplomat.so) - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa maanta oo Talaado ah , nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho , Safiirka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. John Stephen Simbachawene.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Tanzania, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajidbaadka shaqo ee loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania uu yahay xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.
Dhankiisa, Danjire John Stephen wuxuu xaqiijiyay qoto dheeraanta saaxiibtinimo ee ka dhexaysa Soomaaliya iyo Tanzania, isagoo muujiyay yididiillada uu ka qabo inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo ballaarinta xiriirradan si ay ku jirto wax ka tarjumaya dano wadaagga.
Faallo ka bixi