Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya oo howlgalay

Wednesday May 26, 2021 - 23:54:22
0 Comments
2774
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii afaraad ee lagu dardargrelinaayo hawlaha Guddiga. Waxaana looga dooday Xeer Hoosaadka Guddiga, Xeerka Anshaxa Guddiga, Qorshe Howleedka lixda bilood iyo Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Bulshada ee la dagaalanka, ka hortagga musuqmaasuqa.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya, Dr. Maxamed  Xuseen Xaamud ayaa xubnaha Guddiga ka siiyay warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha xiga ee Guddiga. 

"Waxaa guul noo ah in Guddigu qabtay shaqooyin muhiim ah oo wax tar u leh horu-socodka shaqada Guddiga Madaxa Bannaan Ee La dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliyeed, innaga oo ahmiyad gooni ah siinayna baahida xooggan ee la xiriirta la dagaalanka musuqmaasuqa ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Xuseen Xaamud.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in ay diyaariyeen dhammaan macluumaadka u goonida ah hay'adda taas oo fududeynaysa in bulshadu si sahlan ku fahmaan shaqada, waajibaadka iyo awoodaha Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya si waafaqsan Xeer Lambar 12 ee soo baxay 2019 ee uu Guddigu ku dhisan yahay.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Xuseen Xaamud, ayaa soo gabagabeeyay kulanka, wuxuuna ballanqaaday in guddigu u gudan doonaan waajibaadkiisa si hufnaan, caddaalad iyo daacadnimo leh.

Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya oo guddoonkiisa doortay 4tii bishan May 2021, ayaa hadda ku guda jira diyaarinta telefoonno iyo baro lagala soo xiriiri karo oo ay shacabka Soomaaliyeed ku soo gudbin karaan cabashooyinkooda iyo haddii ay la kulmaan falal musuqmaasuq ah.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi